Saturday, December 14th, 2019
again2

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay xaaladda SOMALILAND

Published on November 27, 2019 by   ·   No Comments

Warar ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay is gaar ah uga walaacsan tahay mudda kordhinta loo sameeyey labada gole ee Somaliland.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay beesha caalamku intaasi ku dartay ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.”

Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda ee la gaaray bishii Luulyo sanadkaan 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca maamulka Somaliland.

Waxa kaloo beesha caalamku sheegtay inay walaacsan tahay caburinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha ka howlaga deegaanada maamulkaasi.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadeed inay ka shaqeeyaan degenaashaha iyo xaqiijinta doorashooyinka guud ee Somaliland.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...
https://youtu.be/DPFS1JOThI0