Thursday, August 22nd, 2019
again2

DEADLINE DAY Arsensl.–Maalinta Ugu Danbeysa Suuqa Kala Iibsiga Ingariiska,Maxa Dhacaya.

Published on August 8, 2019 by   ·   No Comments

Naadiga  Arsenal ayaa heshiis buuxa la gaadhay Dhigeeda ay magaalo xifaaltamaan ee Chelsea oo ay kala soo wareegayaan daafaca dhexe ee David Luiz.

Sida ay xaqiijiya shabakada sky sport new luiz ayaa hada maraya cafimaadka,  sidoo kale arsenal ayaa qarka u  saaran inay ku dhawaaqaan daafaca dhanka bidix ee kooxda celtic Tierney

Tababare Emery ayaa guud ahaan suuqa xagaagan oo dhan raadinayay saxeexa daafac dhexe balse wuxuu u muuqdaa mid ugu dambayn gacanta ku dhigay Luiz.

Sida laga helayo BBC Sport oo ah il wareedka warkan deg dega ah laga helay Arsenal ayaa heshiiska David ku bixin doonta 7 Milyan waxaana ay ka saxeexan doonaan qandaraas laba sanadood ah.

SportsMail ayaa sheegaya in Luiz uu maalmihii ugu dambeeyayba dhibaato ku qabay kooxda Chelsea isla markaana uu tababarka la qaadanayay kooxda da’yarta ee Blues taas oo keentay inuu u baqo booskiisa shaxda kooxda.

In Luiz uusan qaadan tababarkii Chelsea ee shalay ayaan kaliya ahayn go’aankiisa balse sidoo kale waxa aragtidaas mid lamida qabay tababare Frank Lampard.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal oo suuqa xagaagan wacdarro ka dhigaysa ayaa la filayaa inay sidoo kale maanta dhammaystirto saxeexa Keiran Teirney oo 25 Milyan ugaga soo wareegaya dhinaca Celtic.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...