Monday, December 16th, 2019
again2

Rabiica Sh Cumar: “Waa qalad weyn in Mdaxweynaha Uganda ugafo Dumarkeena”

Published on March 12, 2019 by   ·   No Comments


Xilli uu Madaxweynaha Dalka Ugandha oo u qudbeenaye askarta dalkiisa ayaa waxa uu u gafay sharafta shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu usoo qaatay tusaale aad u xun ayaa waxaa arintaani ka hadashay Rabiica Sh. Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool dibadiisa dibada .

Madaxweynaha Dalka Ugandha oo askariisa la hadlaye ayaa waxa uu sheegay inaysan suuragal aheyn in askari uu dharbaaxo gabar asagoona tilmaamtay in askarigii rabo in gabar uu dharbaaxo la geenayo Soomaaliya.

Arintaani ayaa dhalisay muran aad u badan waxaana maalmihii ugu danbeysay baraha bulshada lagu arkaye falanqeynta hadalka gafka ah uu Madaxweyne Yoweri Museveni hawada usoo marinayo Soomaaliya.


Rabiica Sh. Cumar ayaa tiri: “Markii nin gabar dharbaaxey lagu dhahay waad edeb daran tahay ee waxaa kugu haboon in Somalia laguu diro, waxay na tusineysaa in gabadha Ugandhanka ah dadkoodu u arkaan in ay ka sharaf badan tahay gabadha Soomaaliyeed taasina waxay nagu tahay sharaf dhac aad u weyn, sidoo kale ragga Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan arintaan waxay ku tahay bahlid in ayagoo maqlayo dumarkooda la sharaftiro”

Hadabo Rabiica ayaa tilmaamtay in hadalkaasi uu yahay mid meel ku dhac aaad u weyn u ah Soomaaliya, islamarkaana aan la aqbali karin in dumarkeena loo gafo , hase yeeshee ilaa iminka ayaana jirin masuul arintaasi ka hadlay.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...