Monday, October 14th, 2019
again2

Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Xayeysiin Doona Kulamada Caawa Ee Man United vs Liverpool, Chelsea vs Man City & Levante vs Real Madrid

Published on February 24, 2019 by   ·   No Comments

Telefishanka beIN Sports ayaa soo saaray wariyeyaasha qaban doona kulamada muhiimka ah ee caawa ee waddanka Ingiriiska iyo horyaalka dalka Spain

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelinaysa Liverpool ciyaarta ugu weyn waddanka Ingiriiska, taas oo saamayn ku yeelan doonta guud ahaan mustaqbalka xili ciyaareedka ee labada kooxood.

Kulan labaad oo xiiso badan waxa uu garoonka Wembley ku dhax mari doonaa Chelsea iyo Manchester City oo finalka EFL Cup wada ciyaaraya, waana kulan ay Blues ku dedaali doonto inay iskaga maydho ceebtii kasoo gaadhay ciyaartii ugu dambaysay ee Citizens ay isku haleelaan oo 6-0 lagaga badiyey.

Ciyaar kale oo go’aamin doonta rajada Real Madrid ee xili ciyaareedkan, waxay dhex maraysaa Levante iyo Los Blancos, taas oo kusoo beegan maalmo ka hor laba kulan oo xidhiidh ah oo Barcelona ay ugu iman doonto Santiago Bernabeu.

Telefishanka beIN Sports oo ciyaarahan baahin doona ayaa waxa uu magacaabay wariyeyaasha iyo channellada laga daawan doono ciyaaryahan

Ciyaarta Arsenal ay ku martigelinayso Southampton ayaa waxa uu telefishanka beIN Sports ka baahin doonaa Channel 7, waxaana daadihin doona Wariye Khaalid Qawl, balse ciyaarta labaad ee Manchester United iyo Liverpool oo ah kulanka caalamka oo dhan sugayo ayaa ka bixi doona Channel 2, waxaana uu telefishanku u magacaabay wariye Cali Maxamed Cali.

Ciyaarta finalka EFL Cup ee Chelsea iyo Manchester City oo bilaabmi doonto marka ay dhamaato ciyaarta Man United vs Liverpool ayaa kasoo geli doonta Chennel 2, waxaana ku diyaarsan wariye Xafiid Daraji.

Levante iyo Real Madrid oo beIN Sports uu ka baahin doonto Chhannel 3, ayaa waxa daadihinn doona wariye Khaliil Balushi.

Fiorentina vs Inter Milan ayaa waxa qaban doona wariye Dayib, halka Juventus vs Bologna uu hayn doono wariye Khaalid Xaddi.

Ciyaarta ugu adag waddanka Faransiiska ee Lyon vs Monaco, ayaa loo magacaabay inuu daadihiyo wariye Caadil Khaluu.

Kulanka adag ee horyaalka Bundesliga ee Bayern Leverkusen vs Borussia Dortmund ayaa waxa qaban doona wariye Axmed Balushi

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...