Monday, October 14th, 2019
again2

Jose Mourinho Oo Farriin Ka Dhan Ah Liverpool U Diray Ciyaartoyga Man United Iyo Solskjaer Oo Juan Mata Digniin Ugu Dhiibay Phil Jones

Published on February 24, 2019 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa imtixaan ku mari doonta garoonkeeda, marka ay alababada iskugu xidhaan Liverpool ciyaarta loo yaqaanno ta ugu weyn waddanka Ingiriiska

Manchester United oo sagaal kulan oo horyaalka Premier League ah oo uu hoggaamiyey Ole Gunnar Solskjaer aan marna laga badinin, ayaa waxay halgan ugu jirtaa inay sii xajisato booska kaalinta afraad si ay xili ciyaareedka dambe boos ugu yeelato horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League.

Sidaas oo kale, Liverpool ayaa wax walba u samayn doonta si ay u hesho saddexda dhibcood ee ciyaartan oo sabab u noqonaya inay la wareegto hoggaanka horyaalka oo Man City ay farqiga goolasha kaga horreyso hadda.

Wargeyska Express Sports ayaa waxa uu soo ururiyey saddex arrimood oo ku saabsan Manchester United oo uu qayb ka yahay Jose Mourinho.

Wargeysku waxa uu sheegay in Jose Mourinho uu farriin qoraal ah u diray qaar ka mid ah ciyaartoyga Man united oo uu kalsooni ku qabay kaddib dhamaadka ciyaartii uu shaqadiisa ku waayey ee Liverpool ay ku garaacday bishii December

Mourinho waxa uu farriintaas ku sheegay in guul-darrada Liverpool u xambaarisay ay sabab u noqonayso inuu shaqadiisa waayo, laakiin aanay isaga ka iman doonin inuu is casilo.

“Aniga way ii dhamaatay kaddib natiijadan. Laakiin isma casilayo.” Sidaas ayuu yidhi Jose Mourinho oo qoraal la wadaagay asxaabtii ay isku dhawaayeen qolka lebbiska United.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu digniin ugu dhiibay Juan Mata laacibka difaaca ah ee Phil Jones ciyaartii horraantii bishan ee Fulham.

Paul Pogba ayaa laba gool u dhaliyey United ciyaartaas, mid kalena waxa raaciyey Anthony Martial, balse ciyaarta oo socota ayaa uu Mata si toos ah ugu tegay Jones, waxaanu u sheegay inuu sare u qaado ciyaartiisa haddii kale uu kaydka ku qudhmi doono

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...