Monday, December 16th, 2019
again2

RASMI: Jurgen Klopp Iyo Virgl van Dijk Oo Isku Qaatay Abaalmarinada Tababaraha Bisha Iyo Xiddiga Bisha Ee Premier League

Published on January 11, 2019 by   ·   No Comments

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iyo xiddiga ugu qaalisan kooxda Virgil van Dijk ayaa labadaba ku guuleystay abaalmarinta Premier League ee bishii December.

Klopp ayaa ku guuleystay abaalmarinta tababaraha bisha ee Premier League ka dib markii uu Liverpool ku hogaamiyay todobo guul todobo kulan oo ay ciyaareen December isagoo hubiyay in Reds ay ku bilaabato hogaanka horyaalka sannadkan cusub ee 2019.

Liverpool ayaa guulo ka gaartay kooxda ay isku magalaada yihiin ee Everton iyo Burnley isbuucii koowaad ee December ka dib waxaa soo raacday Bournemouth, Manchester United, Wolves, Newcastle iyo Arsenal.

“Waa wax fiican, waa macaan lagu daray macaan” ayuu yiri Klopp markii abaalmarinta la siinayay. “Bil guulo ah ayay aheyd laakiin waa ay dhib badneyd.”

Waxay dhaliyeen 22 gool bishii December laakiin rikoorkooda difaacasho waxa uu ahaa mid aad u fiican iyadoo ay Liverpool ay ka dhasheen kaliya seddex gool.

Waxaa difaacaas fure u ahaa daafaca dhexe Van Dijk kaasoo loo magacaabay xiddigaha bisha December ee Premier League.

Van Dijk waxa uu abaalmarinta ka qaaday saaxiibkiisa Mohamed Salah, xiddigaha Tottenham Harry Kane iyo Hueng-Min Son, weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford,. xiddiga West Ham Felipe Anderson iyo kan Chelsea EdenHazard

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...