Monday, December 16th, 2019
again2

Madaxweynaha Kooxda Toulouse Ee Olivier Sadran Oo Erayo Kulul Ku Weeraray Kooxda Barcelona & Saxeexa Cusub Ee Barca Ee Todibo Oo Sabab U Ah

Published on January 11, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha kooxda Toulouse ee Olivier Sadran ayaa si weyn u eedeeyay kooxda ree Spain ee Barcelona iyo sababta ugu weyn ee uu ku haysto oo ah xiddigii ay dhawaan Barca kala soo saxeexatay kooxdaas ee Jean-Clair Todibo oo sabab u ah.

Qaabkii ay Barcelona ula soo saxeexatay da’yarka daafaca ee Toulouse ayaan si wanaagsan uga dhaahdicin madaxweynaha kooxdaas ee Sadran, Shalay oo Salaasa ah ayay ahayd markii Barca ay shaacisay inay heshiiska hordhaca ah ee xiddigan dhammaystirtay isla markaana uu kooxda soo gaadhi doono xagaaga.

Si kastaba, Madaxweyne Sadran ayaa aaminsan in da’yarkana si qaldan wax loogu sheegay kooxduna aysan qaab wanaagsan ula dhaqmin inkastoo uu sheegay in waxa ay sameeyeen uu sharcigu ogolaa.

“Ciyaartoyga si xun ayaa loola taliyay Barcelona-na ma aysan ahayn mid wanaagsan sidoo kale” Ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay L’Equipe.

Sadran ayaa sheegay in heshiiska ay Jean-Clair Todibo iyo Barca ay wada gaadheen uu kaliya ka ogaaday saxaafada iyadoo heshiiskiisa kooxdu uu dhacayay June.

“Kibir ayay ku qabteen heshiiskan in sidaasi koox weyn ka timaadana maaha wax wanaagsan, Inkastoo sharci ahaan ay lahaayeen xuquuqda ay sidaas ku samaynayaan”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Toulouse ayaa qaba in da’yarkani uu qalad sameeyay marka uu ku biiray Blaugrana sababtoo ah da’yaraantiisa waxaana uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata “Isagu waa ciyaartoy leh tayo badan laakiin aan gabi ahaanba lahayn wax khibrad ah”.

Ugu dambayn, Wargeyska L’Equipe ayaa sheegay in Barca ay ahayd muhiimada koowaad ee Todibo iyo kooxda uu ku riyoon jira ilaa yaraantiisa taasina waa sababta uu u diiday u dhaqaaqista kooxo ay kamid yihiin Juventus, Inter, Napoli iyo Lyon

waxa qorey Abukar haji ali( Abukar sky)


 

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...