Friday, December 13th, 2019
again2

Waa Kuma Ciyaartoyga Ay Xiddigaha Liverpool U Arkaan Midka Kooxdooda Ugu Muhiimsan? Mohamed Salah Mise Virgil Van Dijk, Wargeyska Independent Oo Soo Ogaaday

Published on January 10, 2019 by   ·   No Comments

Wargeyska The Independent ayaa daaha ka qaaday xiddiga ay xiddigaha kooxda Liverpool u arkaan midka safkooda hoggaamiya isla markaana ka duwan kooxaha kale gaar ahaan kooxaha ka baxsan lixda kooxood ee waaweyn.

Hammiga horyaalka ee Liverpool ee xilli ciyaareedkan ayuu dhaawac soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee ay horyaalka ka ciyaaran iyaga oo guuldarro kala soo kulmay kooxda la xifaaltamaysa ee Manchester City.

Booska ay Liverpool xilli ciyaareedkan ugu fiicantahay ayaa ah Daafaca iyadoo xiddigaha kala ah Virgil Van Dijk, Andrew Robertson iyo Goolhaye Alisson Becker ay yihiin kuwa cajiibka ah iyada oo Liverpool kaliya laga dhaliyay 10 gool horyaalka.

Haddaba, The Independent ayaa daaha ka qaaday xog kaamerada ka qarsoon oo ah ciyaartoyga ay xiddigaha Liverpool u arkaan midka muhiimada koowaad u leh kooxdooda.

Wargeyska ayaa sheegaya in xiddigaha Reds ay aaminsan yihiin in Van Dijk uu yahay midka furaha u ah kooxda marka ay noqoto kooxaha ka baxsan lixda kooxood ee waaweyn iyaga oo aaminsan in haddiiba uu dhaawac ka badbaado 27 jirkani ay ku guulaysan doonaan horyaalka.

Aaminaada ay Reds ku aamineen xiddiga ree Holland ee kulamada kooxaha yar yar ayaa ah inuu ka daboolay weerarada rogaal celiska ah.

Liverpool ayaa rekoodh heer sarre ah ka haysata kooxaha yar yar waxaana kaliya laga dhaliyay saddex gool 14 kulan oo ay kooxaha yar yar la ciyaareen.

Wargeyska ayaa intaa ku daraya in xiddiguhu ay qabaan aragtida ah in kooxaha kasoo horjeeda ay inta badanbar-tilmaameed ka dhigtaan Dejan Lovern iyaga oo ka fogaanaya

waxa qoray abukar haji ali abukar sky

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...