Monday, October 14th, 2019
again2

Qabuuraha Malaziyaaran Karaa? Mase la Caabudaa.?

Published on January 5, 2019 by   ·   No Comments

ZIYAARADA QUBUURTA!!

Qubuurta oo la ziyaartaa ma banaantahay? Hadeey bannaantahay se, maxaa loo ziyaartaa?

Xilli waxaan Ku jirnaa Cajaa’ib ah oo qofka somaliga marka uu maqlo erayga “QABRI” ama “ZIYAAR” waxaa durba kusoo dhacaya maskaxdiisa yar “SHIRKI” sidoo kale, markuu arko qof qabri booqanaya ama ZIYAAR aadaya waxaa Ku dhasha argagax Iyo wareer isagoo Isla markaa Ku tuhma qofkaas SHIRKI.

Imam Al-Nawawi wuxuu sheegay dhowr arrimood oo loo ziyaarto qubuurta waxaa kamida:

1:aakhiro in Lagu xasuusto. Nabiga scw! wuxu yiri: كنت نهيتكم عن زيارة القبور فزوروها “Waxaan ahaa awal inaan idiin diiday qubuurta inaad ziyaartaan, ee waan idiin ogaaldayee ziyaarta maxaa yeelay aakhiro ayeey xusuusineeysaa.

2: in loo duceeyo qofka muslimka. Nabiga scw markuu quubaraha ziyaarto wuu salaami jiray kadibna wuu udeceeyn jiray, isagana wuu duceysan jiray. Ducoyinkiisa waxaa ka mid ahaa: اسال الله لنا ولكم العافية ” waxaan Allah idiin weeydiinayaa aniga iyo idinkaba badbaado” sidoo kale waxaa ka mid ahaa ducooyinkiisa “يغفر الله لنا ولكم” “anaga Iyo idinkaba ilahey dambigeena ha dhaafo”

3: waxaa kaloo loo ziyaartaa in la barakeysto. Tani waxey khaas Ku tahay qubuurta anbiyada Iyo saalixiinta oo imam nawawi wuxuu oranayaa markuu ka hadlaayo ” لأن لهم في برازخهم تصرفات وبركات لايحصي مددها ” nabiyadaas ama saalixiintaas waxeey caalamka barzaqa ey Ku suganyihiin dhexdiisa Ku leeyihiin: tasarrufaad Iyo barakooyin aan la kobi Karin madadkooda Iyo ziyaadadooda”. Hadaba, in la barakeysto qubuurta oo ducada lala aado wax la yaab Leh maahan. Waxaan hoos Ku xuseynaa culumadii islaamka ee marjica u ahaa diinta islaamka sida ay u arkeen arrintaan.

Ibnu xajar Al-casqalasni wuxuu Ku sheegay kitaabkiisa تهذيب التهذيب

وجاء في “تهذيب التهذيب” (ج ٧ /ص ٣٨٨) “عن الحاكم النيسابوري قال: سمعت أبا بكر محمد ابن المؤمل ابن الحسن بن عيسي يقول: خرجنا مع امام اهل الحديث ابو بكر ابن خزيمة وعديله أبا علي الثقفي مع جماعة من مشايخنا، وهم اذذاك متوافرون، الي زيارة قبر علي ابن موسي الرضا بطوس، قال: فرايت من تععظيمه_يعني ابن خزيمة لتلك البقعة وتواضعه لها وتضرعه عندها ما تحيرنا”

” Waxaan raacnay imaamka ehlul xadiithka Abu Bakar ibnu khuzeymah anaga Iyo mashaaikh badan Si aan u ziyaarano qabriga Cali ibnu Musa Al-Rida ee magaalada tuus, wuxu yiri: markaan qabrigiigisa tagnay waxaan aragnay siduu u weeyneenaayo mesha shiiqa Ku aasnaa, siduu ugu tawaaducaayay wax aan la wareernay ayaan Ku aragnay”.

Ilaahey dartiis Iyo makaanadda uu diinta kulahaa ayuu sidaas ugu weyneenayay oo nabigu wuxu yiri: حرمة امواتنا كحرمة احياىنا ixtiraamka Iyo weyneenayay kuweenna dhintay WA sida kuweenna nool oo kale.

Sidoo kale, Imamka weyn ee Ibnu xibbaan wuxu Ku sheegay kitaabkiisa الثقات juzka 8 – boggiisa 456-457 markuu ka hadlaayo imam Cali- ibnu Musa Al-Rida, oo ka mid ahaa saalixiinta waaweeyn, wuxuu yiri sidan:

“زرته مرارا كثيرة، وما حلت بي شدة في وقت مقامي بطوس فزرت قبر علي ابن موسى الرضا، ودعوت الله إزالتها عني الا استجيب لي، وزالت عني تلك الشدة، وهذا شئ جربته مرارا فوجدته كذالك.”
” waxaan ziyaartay marar badan, majirto dhibaato igu dhacday intaan magaalada tuus joogay, oo aan ziyaartay qabriga Cali ibnu Musa Al-Rida, oo aan baryay Allah inuu IGA feydo dhibkaas intaan qabriga joogay illaa ducadeyda waa la aqbaalaayay, shiddadana wa la iga feeydaayay. Arrintaasi waa arrin dhowr jeer aan imtixaamay oo aan ogaaday inay sax tahay”

Sidoo kale, xaafidka weyn ee imam Al-dahabi wuxuu kitaabkiisa kusoo guuriyay sidan:

و في “سير اعلام النبلاء” للذهبي ( ج /١٦/ ٥١٩) في ترجمة الإمام الحافظ الثبت صالح ابن احمد الهمداني: “ويستجاب الدعاء عند قبره”

Imam Al dahabi wuxuu yiri markuu tarjamada ka bixinayay imaamka weyn ee xaafidka ah Saalix Al-Hamadaani: ” ducada qabrigiisa agtiisa allah lagu baryo waa la ajiibaa” oo imam dahabi markuu sharraxayo arrintaas wuxu oranayaa: “لأن البقاع المباركة يستجاب عندها الدعاء” “maxaa yeelay meelaha barakeysan agtooda ducada WA Lagu aqbalaa”

Walaal boqolaal tusaale Iyo kabadan ayaad ka heleysaa kutubta salafka Iyo culumadii diinta marjica u ahaa, ee Maahan wax aan qoraal kusoo koobi karno. Imam Al-Nawawi waa shiikha aad wada taqaanaan meesha uu islaamka ka joogo, iskana Leh kutubada sida: Arbaciinka, riyaadul-saalixiin, minhaajka Iyo kutubo kaloo waaweeyn. Imaam Ibnu xibbaan- sidoo kale, waa xaafidka iska Leh الثقات oo ah kitaab marjica u ah cilmul xadiith. Ibnu khuzeymah sidoo kale WA imam muxadith weyn oo iska Leh saxiixu Ibnu-khuzeyma. Ibnu xajar Al-casqalasni was xaafidka sharxay bukhaariga, shirkiga ay culumada Fahmi waayeen garan maayo sida uu Ku fahmay wadaad yaroo aan xitaa Arbaciinka kitaab la eg walogiis qorin

Waxaa aan ka tagay inaan xuso sida ay saxaabada ubarakeysan jireen nabiga scw inta uu noolaa, Iyo sida ay qabrigiisa ubarakeysan jireen markuu xijaabtay kadib. Sababtoo ah ma aaminsani qof muslim ah inay arrintaas Shubha ama shaki ka gali karto sax ahaanshaheeda.

Barakada macnaheedu maahan cibaado, oo waatuu Allah inoo sheegay inuu nabi ciise yiri “وجعلني مباركا اينما كنت” Wuxuu Eebe iga yeelay mid la barakeeyay meel kastoon ahaado” barakaadaasoo ah mucjisaadkiisa, ducada oo horay Laga aqbalo, dadka xanuunsan uu gacanta ka Marin jiray xanuunka Iyo xitaa inuu idinka Allah Ku nooleeyn jiray dadka dhintay. Sidoo kale geedka timirta ayuu barako Ku sheegay nabiga scw asagoo Ku shabbahay qofka muslimka. sida bukhaariga Ku sugan ” أن من الشجر لما بركته كبركة المسلم” geedaha waxaa kamida mid Leh barako oo barakada muslimka oo kale ah” wuxuu nabigu Ku sheegay scw inuu geedkaas yahay geedka timirta. Walaalayaal timirta todobo todobo ayaad uliqdaan. Sidioo kale biyha zamzamka caloosha ayaad ka buixsataan adinkoo barako ka raadinaya, lkn marka la soo hadal qaado nabiga scw! ama qof saalixiinta ka mida SHIRKI Iyo waxyaabo baas baa ka hadashaan, ma barako ka weyn ayaa jirto Nabi muxamad scw?! wahaabiyada waxey marayaan heer ay diideen in ziyaaro loola qasdo nabiga scw. La xowla WA laa quwata illaa billah!!!

Sida suubanuhuba ziyaaran jiray qubuurta baqiic Iyo uxud, umada islamkana kama zuulin Ineey Ku dayanayaan oo ay ziyaartaan qabriga nabiga scw, kuwa saxaabada Iyo qubuurta saalixiinta iyagoo markaa Ku helaayo barako Iyo kheyr farabadan. waxaa kaloo wanaagsan inaad qubuurta guud iska booqato si aad ugu xasuusato aakhiro qalbigaagana ujilco. Waan dhameystiri doonnaa insha Allah.

Waxaa Qoray:
Sharmake Abdiaziz

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...