Friday, November 22nd, 2019
again2

GAFKII SH. SHIBILI QEEBYTII LABAAD,

Published on November 25, 2018 by   ·   No Comments

Dhowrkaan sadar ama beyt ee hoos Ku xusan, waxeey ka mid yihiin kitaabka burdaha, kuwaasoo uu ka been sheegay si khaldanna ugu fasiray dadka, wadaadka la dhaho SHIBILI. Intaas kumuu ekaanninee, wuxu Ku tilmaamay SHIRKI Iyo gaalnimo. Maadaama aan mid kamid ah horay uga hadlay, waxaan isku dayayaa inaan ka hadlo sadexdii beyt ee kale, oo ah kuwan aan hoos ku xusay.

يا اكرم الخلق ما لي من الوذ به
سواك عند حلول الحادث العم

يااكرم الخلق
makhluuqa nabiga ugu karaamada badananoow(SCW)
ما لي
Aniga iima sugnaanin
من الوذ به
Cid aan magan Galo
Cidaasoo …سواك adiga kaasoo hartay
عند حلول الحادث
Midka so darrinaayo dagitaankiisa agtiisa iima sugnaanin.
Xaadithkaasoo .. العمم – ee caamka ah (guud)

Erayga ah (اكرم) waa اسم تفضيل waxana loo idaafeeyay الخلق sida la ogyahayna أفعل التفضيل waa waxa loo idaafeeyo qeeyb ka mid. Marka makhluuqaas uu ka midyahay we ma uusan gaarsiinn darajada الخالق ee allah ah.
Sidaa daraadeed, macnaha wuxu noqonayaa “adigaas oo اكرم الخلق ah mid kaasoo haray oo خلق gaas kamida oon magan galaayo majiro”

ولن يضيق رسول الله جاهك بي
اذا الكريم تحلي باسم منتقم

ولن يضيق
Cariiri noqon maayo
رسول الله
Rasuulkii ilahayoow scw
جاهك بي
Jaahaaga Iyo sharafkaaga ka ciriirtoobi maayo aniga xageeyga ( oo waa waasic jaahaaga)
اذا
Waqtigiii (ka cariirtoobi maayo) الكريم allaha kariimka ah
تحلي
Uu Ku sifoobo kariimkaas
باسم منتقم
Mid abaal mariyoo jaaziyo magiciisa uu Ku sifoobo

Imam buseyri, waxa uu ka hadlaayo waa dhibka qiyaamaha, dhacdadaas oo dadka dhan si caam (guud) usaameeyn doonto, oo dadka dhan la isugu keenii doono maxsharka qiyaamo. Oo wuxuu cadeeynaya ineeysan jirin cid la magan galo oo khalqiga (noolaha) kamida, aanan eheeyn SUUBANAHA SCW. Hadaba, hadalkaas ma SHIRKI baa siduu SHIBILI Ku andacooday? Maya!

Sida Ku cad حديث الشفاعة oo imaam Bukhari uu ku wariyay kitaabkiisa oo macnihiisu ahaa, in Eebbe kusoo kulmin doono maxsharka qiyaamo kuwa ugu horreeyay noolaha, laga soo bilaabo Nabi aadam cs ilaa kuwii ugu dambeey, markaaseey dadka shidada Iyo kurbada inta ka badato iyadoo qorraxda la Soo dhaweeyay, beey waxeey tamninayaan in mar un Eebbe dhibka ka saaro oo lakala xukmiyo ama naar ama janno, kadib, xadiithka wuxu oranayaa “ثم استغاثوبادم’ waxeey gargaar ka dalbayaan Nabi aadam” sii uu Eebbe uga ergeeyo si loo Kala xukmiyo, markaasuu Ku oranayaa نفسي نفسي. Hadba sideey Nabi ugu tagayaan, Nabi kastana uu uga cudur daaranaayo beey u imanayaan SUUBANAHA SCW! Markaasuu leeyahay انا لها anigaa iska ka Leh maanta shafaacada markaasaa loo idmayaa, markuusuu sujuud la dhacayaa oo Eebbe mahadinayaa, markaasuu Eebe ku oranayaa “يا محمد ارفع راسك وسل تعطه واشفع تشفع” “muxamdoow scw kor uqaad madaxaada, weeydiiso wa Lagu siin, shafeec wa lagaa shafeeco aqbali” markaasaa khalgiga lakala xukminayaa.

Kadib, SUUBANAHA SCW, ayaa Eebe weeydiisanaya inuu Eebe u idmo inuu ushafeeco qof kastoo لا اله الا الله dhahay markaasuu Eebbe oranayaa “وعزتي وجلالي لآخرجن منها كل من قال لا إله إلا الله” cizzadeyda Iyo weeynankeeyga ayaan Ku dhartayee waan kasoo saari oon kasoo kasoo saari (naarta ) mid kastoo لا اله الا الله oran jiray.

WA maqaam ka quranka Lagu sheegay oo Eebe u yaboohay SUUBANAHA SCW! عسي أن يبعثك ربك مقاما محمودا oo waatan aadaan walbo gadaashiis nabiga scw loogu duceey maqaamkaas “اللهم رب هذه الدعوة التامة والصلات القائمة، أن سيدنا محمد الوسيلة والفضيلة، وابعثه مقاما محمودا الذي وعدته انك لا تخلف الميعاد

Walaalayaal, hadeey SHIRKI tahay in SUUBAHA Laga gargaar dalbo, maxeey nabiyda dadka ugu oran waayeen “waxaan waa SHIRKI ee Eebee toos uweeydiista inuu dhibka idinka feeydo ?
hadaadse ogaatay Ineey sax tahay xaguu kaga jiraa SHIRKI qasiidada?

Waxaan ugudbeeynaa beytkaan kale oo la xiriira Kan hore.

فان من جودك الدنيا وضرتها
ومن علومك علم اللوح والقلم

فان جودك
Maxa yeelay, adiga deeqdaada waxaa kamida الدنيا – kherka aduunyada oo ah الهداية والايمان

وضرتها
Iyo aakhiro kheyrkeda aya kamida deeqdaada oo ahالشفاعة العظمي shafaacadaada.

Kheyrka aduunyada oo ah hanuunka iyo iimaankaka uu SUUBANAHA scw, Eebe sabab uga dhigay, oo waakan Eebbe oranaya وانك لتهدي الي صراط مستقيم
Sidoo kale, deeqda SUUBANAHA SCW, waxaa kamida ah kheyrka aakhiro, kasoo ah, shafaacada SUUBANAHA SCW ee dadka uu ushafeecaayo maalinka qiyaamo, si hoowlka Iyo dhibka qiyaamada looga qaado oo markaas Eebe Kala xukmiyo dadka. Sidoo kale waxa kamida shafaacada uu dadka ahlu toowxiidka ugu shafeecaayo Iyo shafaacada uu ushafeecaayo dadka dambiyada waaweeyn galay ee umadiisa muslimka kamidka ah si naarta Eebe uga soo saaro.

Walaal, mar hadaad fahantay xadiithka kor Ku xusan ee Bukhari wariyay, tilmaamayana, in maalinka qiyaamo dadkoo idil eey gargaar ka dalbi doonaan SUUBANAHA SCW si uu ugu shafeeco, waxaa halkaas kaaga caadaaday qasiidada sheikha inuu ucuskaday xadiithkaan,
SHIRKI na meesha maba yaallo, oo, qofkii inkiraa in maalintaas (qiyaamo) SUUBANAHA mooyee Cid kale eeysan leheen shafaacada weyn uu gaaloobaayo.

Maadaama uu qoraalka dheeraaday waxaan dib udhigan doonnaa sharraxaada beytka dhiman ee ah

by shiekh  Sharmake Abdiaziz

Comments

comments

Readers Comments (0)

J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...