Monday, October 14th, 2019
again2

JAHLIGA SH. SHIBILI!! Iyo Beentiisa Mowliidka iyo faham La Aanta Ka Heysata Naxwaha.

Published on November 23, 2018 by   ·   No Comments

JAHLIGA SH. SHIBILI!!

Waxaa baryahaan baraha bulshada lagu dhex waday muuqaal uu Shibili leeyahay, wuxuu muuqaalkiisa Ku sheegayaa inuu moowliidka “SHIRKI” yahay laguna gaaloobaayo. Asagoo xoojinaya hadalkiisa ah inuu SHIRKI yahayna, wuxuu soo qaadanayaa sadex “beyt” ama sadar ee Ku jirta kitaabka “BURDAHA”. Wuxuu Ku andacoonayaa ineey kitaabka waxyaabo SHIRKI ah ka buuxaan, sheikha iska lehna mushrik yahay maadaama uu shirkiga isaga la yimid. SUBXAANALLAH!!!

Qasiidooyinka uu BURDAHA kasoo qaatay, oo uu shirkiga Ku tilmaamay mid ka mid ah baan rabaa inaan wax ka iraahdo si qoraalka uusan udheeraanin.

“اقسمت بالقمر المنشق أن له
من قلبه نسبة مبرورة القسم”
Asagoo ka hadlaya qasiisadadaan, wuxu sheegay inuu sheikhaan BURDAHA iska Leh Ku dhaartay DAYAXA, sidaa aawgeedna, uu SHIRKI Ku dhacay, maadaama ilaaheey wax kasoo haray uu Ku dhaartay! Hadaba ma saxbaa sharaxaada SHIBILI ? Maya!
Eray aray ayaan usharraxayaa, qofka naxwaha carabiga wax uga bilaaban yihiin wuu fahmayaa lkn dadka aan aqoon naxwaha ineey Ku adkaato ayaa laga yaabaa.

Marka koowaad: Sheikha Kuma uusan dhaaran qamarka ama dayaxa, ee wuxuu Ku dhaartay خالق القمر allaha dayaxa abuuray, meesha waxaa Ku jira مضاف محذوف Waxa loo yaqaanno marka naxwaha Laga hadlaayo, Sidoo kale, quranka wey Ku jirtaa meelo badan مضاف محذوف

Tusaale: Allah SWT wuxu yiri: واسال القرية
Weeydii (dadka) magaalada.

aayada waxaa Ku jira مضاف محذوف oo ah: (اهل) oo macnaheedu wuxu noqonayaa: وأسأل -اهل القرية “weeydii (dadka) Magaalada”
Ileen magaalo wax lama weeydiyo ee dadkeeda ayaa wax la weeydiiyaa.

Tusaale kale: Allah SWT wuxuu yiri:
واشربو في قلوبهم العجل

Aayadaan Eebbe wuxu uga hadlayaa reer banii Israel markuu Nabi Muusse ka maqnaa oo eey sameeyateen dibi eey caabudaan. Eebe asagoo ka waramayya xaalkooda wuxu yiri:

واشربو في قلوبهم العجل

“Waxaa la cabsiiyay qalbiyadooda (jeceeylka) dibiga”. Dibiga wax la Cabi Karo maahan, ee waxaa Laga wadaa, jeceeylka dibiga ayaa la cabsiiyay oo qalbiyadooda ku weeyn.

Aayadaan, sidoo kale, waxa ku jira مضاف محذوف kasoo ah: (حب) oo macanaha wuxu noqonayaa: واشربو في قلوبهم – حب – العجل “waxaa la cabsiiyay qalbiyadooda “jeceelka” dibiga”

Tusaalayaasha labada aayadood ayaan ku gaabsaday si qoraalku udheeraan, ee quranka weey ka buuxaan. Hadaba, aan sharraxo ama macneeyo qasiidada uu SHIBILI ka been sheegay.

اقسمت بالقمر المنشق إن له
من قلبه نسبة مبرورة القسم
اقسمت
Waxan Ku dhaartay بالقمر allaha qamarka (dayaxa) abuuray, qamarkoo المنشق ee dhambalmay ان له qamarka waxaa usugnaaday من قلبه nabiga qalbigiisa xagiisa waxaa uga sugnaaday نسبة is shabbihid… مبرورة القسم waxaan dhaartay dhaar, taasoo Lagu sama falay.

Dayaxa meesha uu ka shabahay qalbiga SUUBANAHA SCW, waa dillaaca Iyo inuu dhambalmay, oo wexey ka mid tahay dhacdadaas mucjisooyinka SUUBANAHA SCW. Gaalada qureysh, markeey SUUBANAHA SCW Ku dheheen na tus wax aayad ah ama mucjiso cadeeyneeysa inaad xaq sheegyso, markaasuu dayaxa tusiyay asagoo Kala dhambalmay. Waxaad ka aqrisan kartaa qisadaas kitaabka saxiisul – Bukhari Iyo Saxiixul-muslim.

Sidoo kale, quraankana wuu tilmaamay, oo waa tuu Eebbe yiri: اقتربت الساعة وانشق القمر ” waxaa dhawaatay saacadii qiyaamo, dayixiina wuu dillaacay”

Sidoo kale, mucjisooyinka SUUBANAHA SCW waxaa ka mida, in, markuu yaraa ay labo malaaik qalbigiisa dillaaciyeen, oo eey xikmad ka buusheen.

Dulucda gabayga intaas ayuu ka hadlayaa, lkn SHIBILI dad wax ma garato ah ayuu la hadlaayay. asagii eey sheeikha ka dhiganayeen haduu naxwaha carabiga jaahil ka yahay, ayaga Xertiisa ah bal ka waran?

 

kitaabka BURDAHA culumada sharraxday ayaan hoos kuugu soo qorayaa. Wa culumada marjica U ah diinta islaamka:

المحدث الكبير الإمام شهاب الدين أحمد بن محمد القسطلاني المتوفى سنة 923هـ صاحب كتاب ( إرشاد الساري في شرح صحيح البخاري ) وقد شرح قصيدة البردة وسماه (الأنوار المضيئة في شرح الكواكب الدرية ).

· الإمام جلال الدين المحلي المتوفى سنة 864 هـ ، صاحب كتاب تفسير الجلالين وكتاب شرح الورقات في أصول الفقه وهو شيخ الحافظ جلال الدين السيوطي الذي أكمل تفسير الجلالين بعد وفاته .

· العلامة الكبير الزركشي صاحب كتاب “النكت على مقدمة ابن الصلاح” ، “وكتاب البرهان في علوم القرآن” المتوفى سنة 794 هـ .

· شيخ الاسلام القاضي زكريا بن محمد الأنصاري المتوفى سنة 926 هـ وهو شيخ ابن حجر الهيتمي والرملي والخطيب الشربيني والذين هم من شيوخ وأئمة المذهب الشافعي في زمانهم وقد سمى شرحه على البرده ( الزبدة الرائقة في شرح البردة الفائقة ).

· الشيخ محمد علي ابن علان الصديقي المكي المتوفى سنة 1057 هـ وهو صاحب كتاب دليل الفالحين لطرق رياض الصالحين ، ويعتبر كتابه هذا من أفضل الشروح لرياض الصالحين وقد سمى شرحه على البردة ( الذخر والعدة في شرح البرده ).

· الإمام النحوي ابن هشام الحنبلي صاحب كتاب قطر الندى وبل الصدى وشرحه ، المتوفى سنة761هـ فقد شرح قصيدة البردة شرحا لغويا .

العلامة أحمد ابن حجر الهيثمي وسماه (العمدة في شرح البردة)

الحافظ جلال الدين السيوطي. وغيرهم كثير

Labada qasiido kalena kale soco qormada la baad. . Waxaan ugu hambalyeeynayaa umada muslimka dhalashada suubanaha SCW!

daawo Quraafaadka shibili iyo sidau naxwaha u daba gadiyay,

 

Sharmake Abdiaziz

HORAY AYUU SHIBILI BEEN UGA SHEGAY GABDHA HA SOMAALIYEED EE KU NOOL WADAN KA MID AH YURUB INAY LA NOOL YIHIIN XANUUN HIV GA . ISAGOO BEEN CAD SHEEGAY,

Sheekh Maxamuud Shibli – Qisada Xanuunka badan iyo Wariye Abdihafid Mohamud – Baadhitaan Kadib

 

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...