Monday, October 14th, 2019
again2

XOGTA CIYAARAHA: Xilligaan Neymar Muxuu uqalmaa ?

Published on August 18, 2018 by   ·   No Comments

Tababaraha xulka Brazil Tite ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka Neymar, inkastoo xiddiga weerarka ka ciyaara lagu dhaleeceeyay ficiladii uu sameeyay intii lagu jiray Koobkii Adduunka.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa qaab ciyaareed ku filan aan ka sameyn tartankii Ruushka, iyadoo Selecao 2-1 ay kaga badiyen Belgium wareega quarter-finalka.

Hase yeeshee, isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka dib markii uu magacaabay xulkiisa kulamada saaxiibtinimo la ciyaaraya United States iyo El Salvador, tababaraha Brazil wuxuu difaacay qaab ciyaareedka Neymar.

“Neymar wuxuu u qalmaa in lagu ammaano dhaqankiisa, soo kabsashadiisa iyo anshaxiisa,” ayuu yiri tababare Tite.

“Neymar marnaba wax dhibaato ah kuma qabin xulka, waa wax aad u fudud inaad la shaqeyso isaga.

“Aniga ahaan, Neymar wuxuu ku jiraa seddexda ciyaaryahan ee ugu sareeya adduunka “ayuu hadalkiisa raaciyay macalinka Brazil.

Neymar-Brazil

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...