Tuesday, August 20th, 2019
again2

World Cup Final: France vs Croatia: Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Finalka Koobka Adduunka & Wax Walbo Ku Saabsan Kulankan.

Published on July 15, 2018 by   ·   No Comments

Xulalka France iyo Croatia ayaa maanta ku dagaalami doona Moscow, iyagoo wada ciyaaraya finalka koobka Adduunka.

Xulka France ayaa ku bilowday tartankan qaab liita laakin qaab ciyaareedkooda ayaa sare u kacayay tan iyo wareega 16-ka.

Labadan xul ayaa kasoo kala gudbay xulalka Belgium iyo England.

France:

Blaise Matuidi ayaa ku qasbanaaday kulankii Belgium inuu garoonka dhaawac kaga baxo, laakin taam ayuu noqon doonaa inuu kusoo bilowdo finalka caawa.

Oliver Giroud oo ciyaar liidata soo bandhigay kulankii Belgium, balse waxaa la filaya inuu kusoo bilowdo kulankan.

Didier Deschamps aayaa ka fikiraya cidii uu kusoo bilowi lahaa Matuidi iyo Tolisso, iyadoo loo badaniyo inuu kusoo bilaawayo Tolisso.

Xiddiga France Ee La Daawan Doono:-

 

Xulka Faransiiska waxaa ka buuxa ciyaaryahano farsamo leh, laakin 19 jirka da`da yar ee Klyian Mbabe ayaa isha lagu wada haaya, isagoo wacdaro dhigay kulamadii Uruguay iyo Belgium, waxa uu dhaliyay seddex gool tartanakan, waana ciyaaryahanka ugu halista badan  qarankan France.

hadii uu kulanka caawa dhaliyo seddeley waxa uu ku guuleysan doona kabta dahabka  oo uu ka qaadi doono Harry Kane.

Croatia:-

Labada wadan waxay kulmeen 6 jeer , iyadoo Croatia aysan marna ka guuleysan xulka France.

Ma jirto cid ka fakiraysa in Croatia ay qaadi doonta koobka adduunka laakin ogow waa xul sanadkan halis badan.

Ivan Strinic oo dhaawac kaga baxay kulankii England ayaa la filaaya inuu taam buuxdo u noqdo kulanka caawa.

sidoo kale xiddiga xulka Croatia usoo saaray finalka ee Mario Mandzukic la filaayo inuu kusoo bilowdo kulankan xiisaha leh.

Xiddiga Croatia ee La Daawan Doono:- 

 

Kadib ku guuleysigiisa Champions League ee Real Madrid Luka Modric ayaa xulkiisa geeyay finalka Koobka Adduunka , iyadoo loo badinayo in xiddigan uu ku guuleysan karo laacibtinimada adduunka ee Baallon d`Or.

qaab ciyaareedkiisa wanaagsana ee kulankii England ayaa keentay in la waayo xiddiga khadka dhexe ee England Jordan Hendserson, waxaana Modric la filaya inuu wacdaro kale dhigo.

Kulanka waxa uu soo galaya caawa maqribka saacada geeska Afrika markay tahay 6pm.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...