Tuesday, August 20th, 2019
again2

[FAL NAXDIN BADAN]: Nin Walaalkiis Ku Gowracay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

Published on July 15, 2018 by   ·   No Comments

Dhacdadaan layaabka leh ayaa waxa ay Maanta ka dhacay Xaafada Kaawa-Godeey dhinaca degmada Dharenleey ee Gobolkaan Banaadir.

Falkan Gowraca ah ayaa la sheegay in uu geystay Nin dhimirka ka xanuunsanayey oo mararka qaar uu xanuun daran kusoo kici jiray taas oo keentay in Walaalkiis oo ka weeynaa uu Maanta toorey ku gowraco.

Mid ka mid ah dadka deriska la’ah qoyskaas ayaa waxa uu sheegtay in Wiilka xanuun sanayey ee gowracay Walaalkiis uu markii hore dhowr meel kaga dhuftay tooreyda, ka dib markii awoodii ay ka yaraatay uu gowracay.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Ibraahim halka Walaalkiisa dilay isna lagu Magacaabo  Nuur Ibraahim,
isla markaana uu baxsaday.

Dhinaca kale taliyaha Saldhiga booliska degmada Dharkenley Gaashaanle Dhexe  Khaliif Cabdulle  oo la hadlay dalsan ayaa sheegay in ay tageen halka falkasi uu ka dhacay,isla markaana loo sheegay in ruuxaasi uu baxsaday ayna ku raad joogaan.

Dhacdooyinka ku saabsan dadka walaalaha ah ee isdilaya ayaa bilihii u dambeysay kusoo batay Magalada Muqdisho,waxana todobaadkii hore suuqa Bakaaraha uu nin kale walaalkiis toorey ku dilay ka dibna uu baxsaday.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...