Thursday, August 22nd, 2019
again2

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulmay iyo…

Published on June 12, 2018 by   ·   No Comments

d d

Wasiirka Difaaca dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa maanta kula kulmay xarunta Wasaaradda Difaaca dalka BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Difaaca dalka xilka loo magacaabay,iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa kala hadlay dardargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka,wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka in ay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Tan iyo sanadkii 2010 ayaa midowga Yurub waxaa ay dardargelinayeen taageerada ay siinayaan ciidanka Xooga Dalka,dhinacyada tababarada ciidanka,si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee horyaala.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...