Tuesday, August 20th, 2019
again2

In Kabadan 20 Iskuul Oo Ku Bur-Buray Deegaano Ka Tirsan Maamulka Somaliland.

Published on May 23, 2018 by   ·   No Comments

Duufaan ku dhufatay xeebaha waqooyi iyo galbeedka ee Somaliland ayaa dumisay in ka badan 20 Iskuul oo ku yaalla gobolada Saaxil, Awdal iyo Salal.

Duufaanta ayaa goboladaas ku badneyd waxaana waxbarashadii ka joogsatay kumanaan arday ah oo waxbarasho kaga jiray dugsiyadii ay dhigan jireen.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in goobaha caafimaadka iyo waxbarashada ay khasaare ba`an kasoo gaareen duufaanta.

Goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadka oo gargar loogu sameeyo dadku markay masiibo dhacdo ayaa la waayay dhamaan dhismayaashii kuwaasi oo dhamaantooda burburay.

Lughaya,Gargaara,Geerisa,Bulaxaar,Ceelsheekh,Habaas weyn, Baki iyo deegaano kale oo ku teedsan xeebta ayay dugsiyadaasi ka dumeen.

Sidoo kale Duufaanta sagar ayaa 38 qof ku dishay xeebta Somaliland , waxaa la laayahay 10 qof, gurmadkii u horeeyay oo ay ka qeyb qaadanayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee UAE ayaa dadkaasi gaarsiinaya Timir iyo Kooxo Caafimaad.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...