Thursday, August 22nd, 2019
again2

West Brom Oo Man City Ka Caawisay In Ay Koobka Premier League Ku Guulaysato Iyo Man United Oo jabkeedi Old Trafford looga madeystay baraha bushada.

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

ccc

Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah ugu gulaysatay koobka Premier league kadib markii ay caawin cajiib ah ka heshay kooxda West Brom oo Man United ku garaacday Old Trafford. Gool kaliya oo uu dhaliyay Jay Rodriguez ayaa Manchester City u gacan galiyay koobka Premier League kadib markii ay kooxda Jose Mourinho ku fashilantay in ay markale hakad sii galiso dabaal dega Sky Blues.
Manchester City ayaa xalay guul 3-1 ah Wembley Stadium kaga soo gaadhay Tottenham waxayna u baahnayd in West Brom ay saddexda dhibcood ka yarto Manchester United taas oo ay kooxda martida ku ahayd Old Trafford awooday in guuldaro ay ku bado kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Man United.

sida baraha bulshaa looga maadaysanaayo macalinka man city ayaa noqonaya ninkii ugu horeeyay oo bidaar leh oo koobkan qaada,

Manchester City ayaa cawa ah  kooxda qaaday koopks England kadib markii ay kulankii Manchester Derby awoodi wayday in ay lugteeda saddexda dhibcood ee ayu baahnayd kaga qaadato Manchester United.

Manchester City ayaa 33 kulan oo Premier league ah ka heshay 87 dhibcood halka Manchester United oo kulanka West Brom guuldaro la kulantay ay isla 33 kulan ka heshay 71 dhibcood taas oo la micno ah in farqiga u dhexeeya Manchester City iyo Man United uu hadda noqday 16 dhibcood taas oo la micno in haddii Man United ay wada guulaysato shanta kulan ee u hadhsan oo ay City wada guuldaraysato in ayna wali gaadhi karin 16ka dhibcood ee Sky Blues horayso.

Sabab xisaabeedkan awgeed Manchester City waxay si rasmi ah ugu guulaysatay koobka Premier league ee xili ciyaareedkan 2017/18 iyada oo koobkan qaaday iyada oo shan kulan ka hadhsan yihiin xili ciyaareedkan waxayn dhigtay rekoodh taariikhi ah

 

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...