Thursday, August 22nd, 2019
again2

Lionel Messi iyo Luis Suarez Oo Dalbaday In Ay Mohamed Salah Ciyaaryahan Ku badashaan si dhaqsi leh waliba,

Published on April 3, 2018 by   ·   No Comments

LIONEL MESSI and Luis Suarez Ayaa U shegay  Barcelona inay lasoo wareegaan xidiga kooxda  Liverpool Mohamed Salah iyagoo ku badala naya weerar yahanka Da daar  Ousmane Dembele,

Saalah Ayaa sakay Gaol Qurxoon Ku dhaliya Tobabarka Liverpool.

Sida laga soo xiganayo Don Balon, Messi iyo Suarez waxa ay aaminsan yihiin in Mohamed Salah uu saxiix ka wanaagsan Antoine Griezmann u noqonayo Barcelona.

Weeraryahanka Atletico Madrid waxaa lagu heli karaa €100million (£88.6m) sababo la xiriira qiimaha lagu bur burin karo qandaraaskiisa waxaana la filayaa in uu xagaaga ku soo biiro Barcelona.

Express Sport waxa ay fahansan tahay in Barcelona aysan dhaqaale u wada heli doonin Salah iyo Griezman.

Salah waxa uu 42 kulan oo uu u saftay Liverpool xilli ciyaareedkan u dhaliyey 36 gool ilaa iyo markii uu kaga soo biiray AS Roma xagaagii hore iyaga oo uga soo qaatay £38million.

Waxaa la ogyahay in tababaraha lacag aad u tiro badan ka dalban doona kooxda soo raadisa Mohamed Salah.

Laakiin sida laga soo xiganayo Don Balon, Messi iyo Suarez qorshe ayey u dageen.

Waxaa la aaminsan yahay in masuuliyiinta Barcelona ay dhiibi doonaan Demebele oo ugu fadhiya €147m.

Laba laacib ee ka soo jeeda Koonfur America oo lagu daray Philippe Coutinho, waxa ay aaminsan yihiin in Demebele ku habbooneyn qaab ciyaareedkan Barcelona.

Hase ahaatee, Don Balon waxa ay qoreysa in heshiis lala galo Griezmann uu dhibaato abuuri doono.

Waxaa la qabaa in Messi uusan rabin in saaxiibkiis Suarez booskiisa ku waayo imaanshaha Griezmann.

Waxaana sidoo kale la warinayaa in Griezmann ay waqti ku qaadaneyso la qabsiga qaab ciyaareedka Barcelona.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...