Tuesday, August 20th, 2019
again2

Thomas Lemar Oo afka furtay isagoo Fariin Wayn U Diray Kooxaha Arsenal & Liverpool Isaga Oo Niyadjab Ka Muujiyay Dalabyadii AS Monaco Ka Diiday Kooxaha Premier league.

Published on March 25, 2018 by   ·   No Comments

Weerar yahan ka reer France iyo kooxda AS Monaco ee Thomas Lemar ayaa si furan uga hadlay mustaqbalkiisa waxaana wax laga waydiiyay dalabyadii badnaa ee ay kooxdiisa Monaco ka diiday kooxaha Liverpool iyo Arsenal intii lagu jiray suuqii xagaagii Tagay

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa waqti dheer ku soo dagaalamayay Iyado Arsenal geysay lacag ku dhaw 100milion .  saxiixa Thomas Lemar iyada oo waliba kooxda Gunners laga soo diiday dalab kudhaw 100milion  milyan euros ahaa dhamaadkii suuqii xagaagii markaas oo ay Monaco dareentay in uu ahaa dalab waqtigiisii ka soo daahay oo ayna heli karin badalka Lemar.

Laakiin Thomas Lemar ayaa Mesha Kasaara in isaga u iska diiday dalabka naadiyaasha Egland permiship ka isagoona  saxaafada ka hor qiray in uu niyadjab ka qaaday dalabyadii ay kooxdiisu diiday laakiin waxa uu ku dooday in shaqada adag uu sii wadayo isla markaana ay soo laaban doonaan kooxihii doonayay taas oo ah fariin uu u diray kooxaha Gunners iyo Reds si la mid ah kooxaha waa wayn ee Yurub.

Thomas Lemar oo la hadlayay Téléfoot ayaa muujiyay sida aanu u qarin karin niyadjabkii uu ka qaaday dalabyadii ay kooxdiisu diiday wuxuuna yidhi: “Anigu ma doonayo in aan iyada qariyo, waan ka yara niyadjabay. Laakiin ma jirto meel taas lagu xaliyay, anigu waan sii wadaa shaqada, sidaa daraadeed , waxaa laga yabaa in ay kooxahaasi aniga igu soo laabtaan suuqa kala iibsiga soo socda”.

Thomas Lemar oo u muuqday mid afka furtay isla markaana aan waxba qarsanayn ayaa su’aal sii galiyay mustaqbalkiisa wuxuuna yidhi: “Mustaqbalkayga miyaa? Anigu wax walba waan u furanahay, anigu waan jeclahay dhamaan horyaalada kala duwan”.

Hadalka Thomas Lemar ayaa si buuxda u soo kicinaya dareenka suuqa kala iibsiga ee kooxaha Liverpool iyo Arsenal laakiin waxaan ka maqnayn hadalkiisa si uu u jecel yahay in uu dhamaan horyaalada waa wayn ee Yurub uu u furan yahay.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa haysta kalsooni fiican oo ay dib ugu laaban karaan adeega Thamas Lemar oo u muujiyay isda uu uga niyadjabsan yahay in aan dalabyadii ay soo gudbiyeen la aqbalin gaar ahaan Liverpool oo uu si wayn u doonayay in uu xagaagii la soo dhaafay ku soo biiro.

 

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...