Thursday, August 22nd, 2019
again2

Muuse Biixi Cabdi Oo Bari Saxeexi Doona Saldhigii ugu weynaa ee Millatari Ee Imaraadku Ka Samaysanayaan Berbera .

Published on March 14, 2018 by   ·   No Comments

Saaka & Waarkii Madaxweyanaha Somaliland Ee Imraadka :

Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Bari Saxeexi Doona Saldhigii Millatari Ee Berbera Imaraadku Ka Samaysanaayay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Dalka Imaaraadka wuxuu barri si rasmiya u saxeexi doona Saldhig Millatari oo Imaraadku ka samaysanaayo Magaalada Berbera. Maanta wuxuu la kulmayaa Wasiirka Madaxtooyada Sheikh Mansour bin Zayed, barina wuu la kulmayaa ninka dhaxalka leh ee Sheikh Mohammed bin Zayed, Crown Prince of Abu Dhabi. Wuxuuna saxeexaya hehsiiskii Saldhiga.

Waxa yaableh Madaxweyne Muuse Biixi maalmihii hore wuu iska adkeeyay heshiiska Saldhiga haddii aan la fulinayn qoraalkii been beenta aha ee Ummadda lagu siray ee aha inay dhisayaan wadada Berbera Corridor, Madaar Cusub, dhalinyaradda Somaliland oo Imaraadka shaqaale ahaan ay u qaadanayaan, Baasaboorka Somaliland oo ay fiisaynta Imaraadka ogolaanayaan iyo fursadaha ganacsatadeeda oo ay balaadhinayaan.

Dhammaan waxaasi waxay noqdeen biyo coldhaanshay iyo been hehsiiska lagu soo xero galiyay . Hadda muxuu Madaxweyane Muuse Biixi dhaafsaday inuu saxeexo Saldhiga ??

Markii uu is yara adkeeyay wuxuu Wakiilka Somaliland ee Imaraadku Baashe Cawil ku war galiyay Xukuumadda Imaraadka inay dhinac kale uga wareegaan oo kharash kiro ah u bandhigaan Madaxweyanaha cusub maadaama oo aanay mashariicdaas fulin karayn, tii ayay ogoladeen Muuse Biixi Cabdi na lagu qanciyay maadaama Xukuumaddiisu cusubtahay duruufana dhaxashay inuu lacag kaash ah oo aan la cayimin qaato. Baashe Cawil Xaji Cumar fariid ninka hawshaas oo dhan dhameeyay isaga weeye.

Waxa haddaba yaab leh dhammaan sirahan looma sheegin shacabka Somaliland, markii waftigu Hargaysa ka dhoofayay casuumad baanu helnay ayaa lagu kobay, waxaas iyo waxaas ayaanu u tagayna cidna loogama sanqadhin, inta dhiiga lagu kiciyay ayuunba loo dhex raaciyay muranka Xukuumadda Muqdisho iyo waa layna qabsanayaa. Waxa ka sii yaab badan kooxo kooban ah oo Ilaa xalay baraha bulshada ku faraxsanaa diyaarada Madaxweyne Muuse Biixi iyo waftigiisa qaaday, kuwaas walow ay tagerayaal gaara u badnayeen hadana u muuqday in la sii balamiyay. Haddii diyaaradi wax tarayso Siilaanyo sagaal jeer ayuu Imaraadku u soo diray diyaarad khaasa Hotel Dubai ahna ku dajiyay kadib wax ka saxeexday maxaa Dalka iyo Dadka u soo kordhay?.

Madaxweyne Muuse Biixi waxay ummaddu uga fadhidaa marku Waddanka ku soo guryo noqdo alle hasoo nabadgeliye wuxuu dhaafsaday Saldhiga Millatari ee Berbera, isagoo og khataraha ka iman kara, muranka awoodaha maanta Suuriya isku hirdiyaaya, dagaalka Yemen iyo muranka Khaliijka, Iran iyo saamaynteeda waxaas oo dhan muxuu soo dhaafsaday ma Ictiraaf midhkaas uunbaynu ku qanci karnaa colaadana ugu badheedhi karna lakiin wax jeebka shakhsiyaad ku dhacay Dalka looma xaraashi karo. Ummadda haraadan ee abaaraysan ee sicir-bararku silciyay wuxuu u sido. diyaarad raaxa laygu qaaday iyo xooga kash ah oo aan cidina ka war hayn ayaa nalasiiyay sad-u noqon mayso Shacabka silicsan.

Tusan

Muniir Axmed Cigaal .

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...