Tuesday, August 20th, 2019
again2

Suuqa Bakaaraha oo saaka dib loo furay Qeybo Kamid ah

Published on February 20, 2018 by   ·   No Comments

Ganacsatada Ogol Baada Shabaab Balse Aan Raaliga Ka eheyn  Cashuurta dowlada Somalia yaa saakay dib u furay qaar kamid ah suqa bakaaraha,

Qaar ka mid ah  Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saaka dib loo furay, kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu xirnaa khilaaf ka dhashay canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacsatada.

Inkastoo aan wali xal laga gaarin murankii u dhaxeeyay Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa hadana ganacsiga Suuqa uu saaka ahaa mid si tartiib tartiib ku furmay, balse ay jiraan ganacsiyo kale oo xiran.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa shalay la kulmay Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka, iyagoo kala hadlay cabashada ganacsatada iyo canshuurtii dheeriga ee lagu soo rogay.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku adkeysaneysa in canshuurta iibka ee lagu soo rogay badeecadaha lagu qaado Dekeda, halka Ganacsatada ay diidan yihiin in alaab aan wali suuqa la geyn laga qaado canshuurta Iibka oo ah 5%.

Guddiga Joogtada Golaha shacabka ayaa maanta la filayaa in kulan gaar ah ka yeesho is mari waaga u dhaxeeya Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda ee ka dhashay inuu xayirmo dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha iyo Dekeda Muqdisho.

bakaro

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...