Thursday, August 22nd, 2019
again2

QALBI DHAGAX TIMELINE! Sheeka Badali Karta Darenkaaga Ka Dhanka Ah Xukumada Somalia.

Published on September 12, 2017 by   ·   No Comments

solar

Aniga oo aan shakhsiyad ahaanteeda   ku qanac saneyn wixii ku dhacay qalbi dhagax hadana waxa xusid mudan in ay xaqiiqo tahay in madax da dalka u saray sa sida madax weynaha iyo rai’zul wazaaraha xukumada somalia  aysan wax lug ah ku lahyn dhiibistii dhibane Qalbi Dhagax ,

Hadaba sheekada qalbi dhagax  marki aan maqlay  wax ay badashay dareen keygi  ku aadana dowlada somalia , oo waxaan ba u qaatay in madaxdii dalka  wax ka ogeed,

iyadoo la wada og soon yahay habeenkiii  8 dee february ee sanadkaan 2017 ay u eheyd habeen farxad ah dadka somaliyeed meel kasta oo ay dunida kaga sug naayeen, waxa ay na somalidu ka dabaal dagtay meelkasta oo ay dunida uga kala sugnaayen.

           Maxa Keenay Farxadaas?

1Waxaa la is lahaa dalka waxaa ka dhalatay dowlad aan u dhag raaricin doonin xukumado dana gaara kaleh somalia sida kuwa  noo qabo cadow tooyo gaamurtay oo soo jireeen ah,

2In xukumada somalia ay noqondoonto mid ka shaqey sa danaha dalka iyo dada somaliyeed.

Waxa xusid mudan go’aanki ay dowlada ka qadatay khilaafki carabta sidee buu xaal noqon lahaa hadi ay ku soo aadi laheyd arinkaas waqtigii xasan shiekh ?

 Dhaliilo ma leedahay dowlada farmajo?

Walow dowladu ay dhaliilo badan ledahay haba ugu darnaato qaabkii loo so xulay xukumada kheyre oo ah mid aan laga filaneyn dowlad u madaxweyne ka yahay  madaxweyne farmaajo. hadana waxa majaha qabtay kaape qabiilo  jeebka loo soo buuxshay kuwaaso dowlada ku qasbay waziiro jeeb kooda ay ka dhax arkeyn,

Maxaa badalay rajadii shacabka somaaliyeeed ee ku aa’daneen dowladii  habeenkii 8 february la doortay madax weynaheena?

1 Markii ay soo ifbaxday dabinkii  dowlada ethopia ay u dhigtay farmajo iyo kheyre  ee ay kashaqeeyen mas uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka haba ugu sareeyo sambaloolshe iyo duqa magaala thaabit oo lagu xamanayo in wax ka ogaa iyo xildhi baana caada qaata yaal  ah  oo la aamin san yahay inay yihiin kuwa wax badan  ka ogaa sida ay wax u dhaceyn,

Soomalida oo ubadan umad seef la bood ah,  jahli fara ku hayo, umad  qabyaalada diin ka dhigatay ayaa waxa ay isla dhex mareyn  waarar kii beenta ahaa ee shegaye in madaxdu ay wax ka ogeyd dhiibista dhibane qalbi dhagax. kuna lug laheyd

hadaba marka aad daawato muuqaalka solar waxaad xaqiiq san doonta halka ay ku quruntay shekadu.

Marka aad dawato xogta solar is weydii maxay eheyd goal ka ama hiigsiga Eothopia.

   Aragtideyda ku aadan  waxa uu  ahaa goal ka ethopia ama waxa ay ku taamaysay. 

1 In mida ugu muhiimsan ay tahay in meesha laga saaro kalsoonida shacabka ku qabaaan dowlada somalia, la istusana dowlada iyo shacabka.

Wayna dhacday. arinkaas madama ay ethopia ka dhigatay somalida dal bah yar u ah oo ay qabto kale , una sheekto waxa ay  rabto, kana fusha to waxa ay rabto. iyadoo umarayso siyaasiyeen pro ethopian ah,

Hadaba waxaa cad in madax weynaha iyo ra’zul wazaarahu waxba ka ogeyn, dhibista muwaadinkas. loona sheegay madax weynaha iyo ra’zulwazaraha  xili qalbi dhagax ay diyaarad ka qaaday muqdishu una dhaqaaday xagaa iyo bay dhabo,

Taas ayaa yaab iyo ama kaaak  la noqotay. madaxweynuha iyo kheyre oo horay ayaa md/farmajo  loogu  shegay in muwadin ethopian ah lagu hayo muqdisho.

Waxa uu amray farmaajo kuna amray qolyihi amaanka  iyo siyaasiyiinti daba  dhilifka  u ahaa  ethopia    in arinkaas kheyre lagala tashato si loo xaqiijiyo in qalbi dhagax yahay ethopian asagana is dhibay, balse intii aan laga fariisan arinkaas waxa la booday laamaha amaanka oo diyaarad usaaray ethopia,

Durba saxaafada ethopia aya ka been sheektay madaxda dalka oo shegtay  in farmaajo uu ku caawiye dhiibist qalbi dhagax. si ay u fadeexeystaan madaxda dalka.

Yay yihiin dadka ka danbeeyay buun buuninta arinkan,

waa wariyaal, siyaasiyiiin dana gaara kalaha xukumada somalia,

JA

Wariyaasha waxa kamid ahaa jamal osman oo ku soo caan baxay buun buuninta  alshab ahna pro islamist ama shaqkhsi jecel ururada xag jirka ah,

2 Daahir Alasow Oo Ah Nin U bartay Laaluush Uka Qaato Dadka Somaliyed. Qabiil Kashekeyn iyo Dulmi La dul miyo Dad U Baad Ka Rabo?

Siyaa si yiinta

Ugu horeyn waxaa  isweyndiin mudan  dofaar ma daahir samaa?

Waxaa ugu cad cad siyaasiyiinta shirqoolka  ay Ethopia maleegtay ku qaraabanaya  rag, ka tir sana xukuumadiii uu madx weynaha ka aha xasan shiekh oo ahaqofki ugu horeeye eetaga  oo madax weyne ka ah somalia jig jiga, boqashadaas aya ka dhigneed mid u xasan ku xaqiijiyay in jig jiga ay tahay dhul  ethopian leeyahay,

qq

Booqashadi Xasan waxa ay eheyd bahdil mid lagu bahdilay  dadka somaliyeed ,  siyaasi yiinta maanta buuqaya waxa ay ahaayeen kuwa dirgaxda kula hayay xasan shiekh jiga isagoo ku sheegay qadiyadii ay darteed u bur burtay somalia ee 1977 mid khalad eheyd?  xasuuso koormu doofaar daahir noqdaa? umaleyn maayo xitaa 7 samo hadi lageeyo inuusan marna daahir sameyn,

   Waxaa xusid mudan in dowlada ethpia ay ka wadan kartay qalbi dhagax gurigiisi gaal kacayo maxa lagala soo doonay muqdishu.?

hadaba dhiibista qalbi dhagax waa mid ay ka shaqeeyeen rag u shaqeya ethopia xilal na ka haya somalia,

Maxa La Gudboon Shacabka somaliyeed

Dowlada somalia waxa ka dhashay Hal Goal Dad Yahow Ha Ugu Darina Mid Labaad,

written by  Abdala shuraym

 

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...