Monday, November 18th, 2019
again2

Diyaarad Somali Ka Duushay Oo Kenya Bur Ka Geesatay iyo Jomo Kenyatta Oo Howlaha Duulimadka Hakiyay.

Published on November 28, 2016 by   ·   No Comments

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Kenya ayaa xalay si ku meel gaar ah u  xiray Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ka dib  markii diyaarad ka tagtay Soomaaliya ay shil burbur u geystay garoonka ay ku gashay halkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxda garoonka Jomo Kenyatta ayaa lagu sheegay in dhacdadaan ay saameyn ku yeelatay adeegyadii ka socday garoonka , islamarkaana muddo is kumeel gaar ah loo xiray garoonka.

Gudoomiyaha Garoonka Jomo Kenyatta ayaa wariyeyaasha u sheegay in diyaarad laga leeyahay Soomaaliya ay shil ku gashay gudaha Garoonka , islamarkaana burbur aan badneyn uu  soo gaaray garoonka.

Rakaabkii saarnaa diyaarada oo Soomaali u badnaa waxyeelo masoo gaarin sida uu sheegay gudoomiyaha Garoonka.

Diyaaradihii kasoo degi jiray garoonka ayaa xalay  loo weeciyay Garoonka Magaalada Mombasa iyo garoomo kale.

Garoonka Jomo Kenyatta ayaa ka mid ah garoomada ugu mashquulo badan Qaarada Afrika.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...