Monday, October 21st, 2019
again2

Gacan Intee La’Eg Oo Mareykanka Kulahaa Isku Daygi Dil Ee Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Published on November 22, 2016 by   ·   No Comments

Gacan Intee La eg Ayey Ku Lahaayeen Hay’ada sirdoonka Mareykanka ee CIA Isku-day dilka Madaxweyne Erdogan Intii Uu Socdey Afgembigii Ay Ka Bad-Baadey Dawlada Turkiga?

Bishii Julaay 20-kedii oo Shan maalmood oo keliyi ay ka soo wareegeen Afgembiga fashilmay, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu shaacisay in ay xabsiga u taxaabtay laba duuliye oo Mareykan ah oo ka tirsan wakaaladda sirdoonka ee CIA, kuwaas oo lagu eedaynayo in ay ku lug lahaayeen soo ridista diyaaraddii Ruushka ee SU-24m oo xiisaddii diblumaasiyadeed ee ay ka dhex abuurtay Turkiga iyo Ruushku gaartay meel aad u khatar ah, iyo sidoo kale in ay labadan nin si weyn uga qayb qaateen isku-day la doonayey in madaxweyne Erdogan la dilo, intii uu socday isku-daygii Afgembigu.

Turkigu waxa uu Mareykanka ku eedeeyey in uu qorsheeyey dilka madaxweyne Erdogan, si wadaadka Fatxullaah Gulen uu ugu soo xusho hoggaamiye Qaran oo Mareykanka la shaqeeya.

Waxaa la aaminsan yahay in sirdoonka Ruushku uu qayb libaax ka qaatay fashilinta qorshaha Mareykanka iyo Fatxullaah Gulen ku khaarajin rabeen Erdogan, taasina ay tahay sababta sida dhaqsaha ah uu Erdogan ugu wanaajiyey xiriirka uu la’ lahaa Ruushka oo aad u xumaaday intii Turkigu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku lahaa, taas oo marka hore Turkigu ku doodayey in ay hawadiisa soo gashay, balse Ruushku sheeganayey in ay ku jirtay hawada dalka Suuriya ee ciidamada Ruushku hawlgallada ka wadaan.

Waxaa muuqatay in markan uu Turkigu garwaaqsaday in soo ridista diyaaraddaasi ay ahayd qalad iyo mu’aamarad horudhac u ahayd afgembigan oo ay ka dambeeyeen kooxda Fatxullaah Gulen iyo Mareykanka oo adeegsanayey labadan sarkaal ee CIA-da ahaa, si marka xiisadda Ruushka iyo Turkigu ay cirka isku shareerto culays dhaqaale ee ka dhalan doonaa marka uu Turkiga fuula ay aakhirka u gogol xaarta in dadku ku qancaan afgembigan soo socday.

Wasaraadda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in Bishii Julaay 15-kedii Sannadkan 2016-ka intii uu socday isku-daygii fashilmay ee Afgembigu markii uu madaxweyne Erdogan ka soo duulay magaalada nasashada uu u joogay ee Marmaris, kuna soo socday Istanbul ay labadan nin ee CIA-da ka socdaa caawinayeen duuliyeyaashii Turkiga ee waday labadii diyaaradood ee la qorsheeyey in ay soo ridaan diyaaradda Madaxweynaha, isla markaana ay caawinayeen duuliyeyaasha labadii diyaaradood ee soo riday diyaaradda Ruushka. (Adl-Tabatabai, 2016)

Dhinaca kalena waxaa jirtey in wadaadka Fatxullaah Gulen Awoodda uu ku dhex lahaa laamaha dawladda Turkiga ay u suurtogelisay in saraakiil daacad u ahaa kana tirsanaa madaxtooyada Turkiga ay si sahal ah iyada oo aan cidi ogaan ay qalabka wax lagu dhegeysto ku rakibaan xafiiska Erogan oo markaas ahaa Ra’iisal wasaare Bishii Decembar 22-kedii Sannadkii 2012-kedii waxaana ay ahayd markii ugu horreysay ee ay masuuliyiin ka tirsan Sirdoonka Turkigu ay si rasmi ah u shaaciyeen in bilo yar ka hor xafiiska Ra’iisal wasaare Erdogan laga helay qalabkan, kadib markii muddo laanta sirdoonka ee Turkigu ay raadinaysay xaqiiqada war ay heshay oo sheegayey in Erdogan la dhegeysto, kadibna ay ku wargeliyeen. Waxaana markii dambe soo baxay in mid ka mid ah ilaalada gaarka ah oo ka tirsanaa ururka Gulen iyo qaar kale oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska Erdogan ay ku jireen shirqoolka qalabkan loogu rakibay Erdogan, waana sababta keentay in sirdoonku ay markaas la wareegaan ammaanka Ra’iisal wasaaraha. (AL-CUKAZ (http://www.okaz.com.sa/…/iss…/20121227/Con20121227559341.htm)

Walaal guud ahaan intaas ayey ku dhantahay warbixintan waxaanan kaaga mahad celinayaa inaad wax iga siisey waqtigaaga qaaliga ah oo aad akhrisey sedexdii qeybood ee warbixintan waa inoo qormooyin iyo warbixino kale oo xiiso badan Insha Allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Kamaal A.Cali

erdogan

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...