Monday, October 21st, 2019
again2

Milatariga Kenya Oo Yaaban Iyo Laamaha Amaanka Kenya Oo Lahowl Galiyay.

Published on January 24, 2016 by   ·   No Comments

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ciidamada Millateriga Kenya ee loo yaqaan KDF, ayaa waxaa laga xaday gaari ciidan oo Land Cruiser ah.

 

Gaarigaan ayaa laga xaday Xero ciidan oo ku taallo Magaalada Nairobi, waxaana lagu magacaabaa Xerada Embakasi oo Nairobi ku taallo.

 

Saraakiisha ciidamada Millateriga ayaa ilaa hada ku jahwareersan cida xaday gaarigaasi, waxaana Millateriga Kenya soo food saartay cabsi ku aadan in gaarigaasi loo adeegsado fal weerar ah oo ka dhaca Magaalada Nairobi.

 

Baabuurka laga xaday ciidamada Millateriga Kenya ayaa noociisa wuxuu yahay Cagaar Land Cruiser ah, waxaana ay amreen laamaha ammaanka Kenya in la qabto gaari kasta oo midabkaasi leh, hadii uu yahay Land Cruiser.

 

Warbaahinta Kenya ayaa laakiin sheegaysa in gaadiidka Millateriga leeyahay aysan celin karin ciidamada Booliska ee ka howlgala Koontaroolada ku yaallo Magaalada gudaheeda.

 

Xerada ciidanka ee Baabuurkaan laga xaday looma ogala inay galaan shacabka, waxaana laga cabsi qabaa in qaar ka tirsan Askarta ay fududeeyen falka lagu xaday gaarigaasi.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...