Monday, November 18th, 2019
again2

Diyaaradaha Kenya Oo Dilay in Kabadan 50Qof Iyo Madaxda Dalka Oo Weli Kahadlin.

Published on January 24, 2016 by   ·   No Comments

Korneel Aadan Axmed Xirsi oo kamida Saraakiisha Ciidanka  Dowlada Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gado waxaaa uu sheegay isaga oo lahadlay Warbaahinta in Duqeyntii Shalay Diyaaradaha Dagaalka ee Dowlada Kenya ka geysteen Deegaano hoostaga Ceel-cadde in ay ku dhinteen Dad yarid ah.

Waxaa uu sheegay Sarkaalkan in Hooyo iyo Cunugeeda ay Duqeyntaa ku dhinteen sidoo kalana ay jirto Xoolo aad u badan ay Duqeynta Saameyn ku yeelatay, waxaa uu intaas ku daray in Isgaarsiinta Gobolka aad u xun aanan la-ogaan karin khasaaraha rasmiga ah Balse Korneel Aadan ayaa tilmaay in mudadii Sagaalka Maalmood aheyd ee lasoo dhaafay ay duqeyn ka socotay Gobolka Gado taas oo ay ku dhinteen Dad ka badan 50 Qof halka tiro intaas kabana ay ku Barakeen.

Korneel Aadan Axmed Xirsi waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kenya ay sheegeen inay taageersan yihiin Duqeynta Gobolka Gado.

Duqeynta Gobolka Gado waxaa horay uga hadlay Maamulka Gobolka Gado, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwam ee Ururada Bulshada Rayidka waxaana ay sheegeen in Ficilada ay Kenya ku ka ceyso ay yihiin wax laga xumaado.

Comments

comments

Readers Comments (0)



J

ARIMAHA BULSHADA & SIRTA NOLOSHA

Daawo: Wiil Somali Ah Oo Sameeya Barnaamijka Kamirada Qarsoon Ayaa Dhibaato Kunoqday Kenyatiga Muuqaal Qosol Badan.

March 16, 2019
Wiilki Ugu Horeeyay Oo Somali ah Ayaa Bilaabay ...